Uncategorized

Wacyi gelin loo sameynayo Milatariga Soomaaliya.

Muqdisho-KNN-Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa bilaabay olole cusub oo lagu wacyi galinayo ciidamada Milatariga, si loogu jiheeyo inay hagaajiyaan hab dhaqankooda.

Hogaanka Siyaasadda iyo Wacyigalinta ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa ololahan horseed ka ah, waxaana la doonayaa in ciidamada lagu wacyigaliyo Asluubta Islaamka, muhiimadda Askariga iyo wanaajinta la dhaqanka bulshada.

Taliyaha Hogaanka Wacyi gelinta iyo Siyaasadda ee ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in arintaan ay sahleyso in la hagaajiyo dhaqanka wanaagsan ee ciidanka xoogga dalka, si ay u wanaagsanaato wada shaqeynta ciidanka iyo Bulshada.

Ololahan wacyi galinta ayaa ku soo aadaya xilli 12-da bishan ciidanka Milatarigu u dabaal dagayaan sanad guurada 58-aad ee ka soo wareegtay aasaaskooda.

Xigasho Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA.