Garowe-KNN-Wada hadal u socday madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kusoo idlaaday natiijo la’aan.
Wada hadalkan oo ahaa mid lagu xalinayo khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa ee Puntland, ayaa waxaa gar wadeen ka ahaa guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.
Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegayaan in labada masuul uu midba ku adkeysanayo go’aankiisii hore,oo uusan jirin mid tanaasul samaynaya si loo soo afjaro khilaafka,taas oo keentay in uu noqdo mid aan natiijo wax ku ool ah kasoo bixin.
Khilaafka labada masuul ayaa bilowday sida aan wararka ku helnay 14 bishan May,taas oo ka dhalatay isbadal uu ku sameeyay madaxweynaha Puntland taliyihii ciidanka madaxtooyada Puntland, uuna sheegay madaxweyne ku xigeenka in aan arrintaas lagala tashan,isla markaasina uu ku tilmaamay tallaabadaasi waxba kama jiraan.