Uncategorized

Wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye oo saakay xeran.

Muqdisho_KNN-Wadada isku xerta muqdisho iyo degmada afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose ayaa saakay ah mid xeran,Maadaama halkaasi ay ka socdaan  dibad bax ay dhigayaan gaadiidleyda isticmaala wadadaasi.

Sababta saakay wadadaasi ay u xeran tahay ayaa dad goob joogayaal ah ayaa waxaa ay noo  sheegeen in gaadiidleyda ka shaqeeya muqdisho iyo Afgooye ay ka cabanayaan jidgooyooyin dhowr ah oo la sheegay in wadada la soo dhigay.

Qof  kamid ah dadka saakay ku safray wadada, islamarkaana la kulmay wadada oo xeran ayaa idaacada kulmiye waxaa uu u sheegay in wadada ay u xeran tahay uuna ka socdo banaanbax ay dhigayaan gaadiidleyda iyo dadka ganacsatada ah ee aroor walba qudaarta ka keena degmada afgooye.

Jidgooyooyinka la sheegay in la soo dhigay inta u dhaxeeysa Magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee shabeelaha Hoose ayaa darawalada kaxeeya gaadiidka BL-ka qaarkooda  ayaa waxaa ay sheegeen in maalmihii dambe ay sii korortay oo wadadaas ay taalo ilaa sadex meel oo lacago looga qaado,taasina ay walaac xoogan ay ka muujinayaan.