Somali News

Wadahadalada dowladda Afgaanistaan iyo Taalibaan oo u xayiran caleema saarka Joe Biden

Wakaalada wararka Reuters ayaa ogaatay in hakad uu ku jiro wada hadaladii dowladda Afgaanistan iyo Taliban, sababo la xiriira  caleema saarka madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden.

Dhinacyada ayaa ka fakaraya suurtagalnimada hadii ay wax iska badalayaan jadwalka ka bixitaanka Ciidamada Mareykanka ee Afgaanistan, maadama uu Trump xilka baneenayo.

Dhinaca kale Madaxweyne Joe Biden ayaa u magacaabay Samanta Bawer safiirkii hore Mareykanka ee qaramada midoobey inay hoggaamiso hay’adda USAID.

Samanta ayaa 2013 kii ilaa 2017 waxaa ay ahayd safiirka Mareykanka ee qaramada midoobey.

Biden ayaa sheegay inuu ku kalsoonyahay Samanta inay wax badan ka qaban doonto arrimaha la dagaalanka faqriga iyo cimilada.