Somali News

Wadahadaladii Sudan oo dib u bilaabmaya.

Muqdisho-KNN-Isbahaysiga Mucaaradka dalka Sudan ayaa soo afjaray ololihii shaqo joojinta ah oo ujeedkiisu ahaa in cadaadis lagu saaro Militariga dalkaasi si ay xukunka ugu wareejiyaan maamul rayad ah.

Ergayga garaka ah ee dalka Itoobiya u qaabilsan dalka Suudaan oo dhex dhexaadinayay labada dhinaca ayaa sheegay in wadahadalada lagu dhisayo dowladda cusub ay si dhaqso ah dib ugu bilaaban doonaan .

Mahmoud Derir ayaa sidoo kale sheegay in golaha Militariga ay ogalaadeen in xabsiyada laga siidaayo dadka u xir arrimah siyaasadda

Ma jirto waqti cayiman oo loo qabtay in ay wadahadalada dib u soo cusboonaadaan ,balse waxay u muuqataa in go’aanka lagu dhawaaqay ilaa iyo hadda uu yahay mid ku filan in labada dhinac ay dib u bilaabaan wadaxaajoodka.

Mucaaradka ayaa horey ugu baaqayay dadka reer Sudan in ay ka qayb qaataan ololaha shaqa joojinta ilaa militariga ay xukunka ku wareejinayaan dowlad rayid ah.

Saddex maalin ka dib arrintaasi ma aysan hirgalin, balse mucaaradka ayaa imika shaqa ka fariisigaasi soo afjaray.