Somali News

Wadamada Armenia iyo Azerbaijan oo gaaray heshiis cusub oo xabad joojin ah.

Wadamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa wadanka Mareykanka ku gaaray heshiis cusub oo xabad joojin ah.

Wasaaradda arimaha dibadda Mareykanka ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen in ay dhaqan galiyaan heshiiska.

Horaantii bishan ayay dhinacyada labo jeer gaareen heshiis xabad joojin ah oo aanan sii waarin. Xiisada labada dal ayaa soo cusboonaatay 27’kii bishii September iyadoona dagaalada gobolka Nagorno Karabakh illaa iyo haatan ay ku dhinteen boqolaal ruux.