Uncategorized

Wadamada Yurub iyo Israel oo isku khilaafay in Qudus ay noqoto Caasimadda Israel.

Muqdisho-KNN-Ra’iisal wasaaraha Israel oo ku sugan magaalada Paris ee Caasimadda Framce ayaa mar kale soo dhaweeyay go’aankii Trump uu qudus ugu aqoonsaday Caasimadda Yahuudda ee Israel.

Ra’iisal Wasaaraha Israel ayaa wadamada Midowga Yurub ka dalbaday in ay safaradahooda usoo raraan Qudus Islamarkaana ay taageeraan go’aanka Maraykanka, wadamada Yurub ayaa si kulul uga soo horjeestay Ra’iisal wasaaraha Israel waxayna ka digayn dhibaato ka dhacdo Bariga dhexe.

Madaxa arimaha Siyaasadda ee Midowga Yurub ayaa Paris ka sheegay in Qudus ay tahay magaalo barakeysan go’aanka Maraykankana ay ka soo horjeedaan waxa uuna Israel iyo Falastiin muranka u dhaxeeyo lagu dhameeyo wadahal.

Israel ayaa Yurub kala noqoneysa dhabar jab culus, waxa uuna qorshaha safarkiisa uu ahaa in Wadamada Yurub ay taageeraan go’aanka Madaxweyne Trump.