Somali News

Wadayaasha gaadiidka mooto Bajaajta oo maanta banaanbax ka dhigay Jowhar

Jowhar-KNN-Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta maamulka HirShabeelle, ayaa soo sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay banaanbax ay dhigayn dhalinyarada ka xeeya gaadiidka loo yaqaano mooto Bajaajta ee ka shaqeeya Jowhar.

Dhalinyaradaan ayaa ka cabanaya lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay mooto Bajaajta kadib amar ka soo baxay maamulka Gobalka Shabeelaha Dhexe, sida ay hadalka u dhigayn dhalinyarada maanta banaanbaxa dhigay.

Maamulka HirShabeelle ayey ka dalbadayn in laga yareeyo lacagta canshuurta dheeraadka ah ee lagu soo rogay Bajaajta maadaama ay sheegayn in aysan shaqo wanaagsan ka jirin jowhar, islamarkaana uu aad u yar-yahay dhaq dhaqaaq Bajaajta.

Ma jirto wax war ah oo ilaa hada ka soo baxay maamulka HirShabeelle iyo kan Gobalka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan arintaan. Xiriir aan la sameynay ayaa wali noo suurta gelin in aan helno guddoomiyaha maamulka Gobalka Sh/Dhexe Axmed Mayre Makaraan.