Somali News

Wadayaasha Gaadiidleyda Bl-ka oo saakay banaanbax ka dhigay Muqdisho

Wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka ayaa saaka markale waxaa ay banaanbax ka dhigeen Magaalada Muqdisho,waxaana subixii 3-aad ee banaanbax uu dhacayo.

Wadayaasha Gaadiidka Dadweynaha ee BL-ka ayaa u jeedka Banaanbaxooda waa uu salka ku haya cabasho ay ka muujinayaa xirnaansha qaar kamid ah waddooyinka Caasimada iyo canshuur lagu kordhiyey Maxamed Cabdullaahi Faarax waxaa uu kamid ah yahay dadka saaka banaanbaxa dhigaya idaacada kulmiye ayuu u waramay.

Qaar kamid ah Gaadiidleyda BL-ka ayaa KNN u sheegay inay ka Cabanayan lacago dheeraad ah oo lagu soo rogay iyo xirnaashaha Waddooyinka Caasimadda.

Sidoo kale Gaadiidleyda BL-ka ayaa weli Banaanbaxa ka wada Magaalada Muqdisho, iyagoona sheegay in banaanbaxa ay sii wadi doonaan ilaa iyo inta ay Cadaalad ka helayaan.