Baladweyne-KNN-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu ka soconayo banaanbax looga ashtakoonayo dil askari ka tirsan qeybta canshuuraha ee maamulka magaalada baladweyne uu u geestay darawal mooto bajaaj.
Qaar kamid ah wadayaasha mooto bajaajta ayaa magaalada ka dhigay banaanbax,iyadoogana ku dhawaaqaye erayo ay kaga soo horjeedaan dilka loo geestay wiilka dhalinyarada ah, islamarkaasina ahaa darawal mooto bajaaj.
Askarigii ka dambeeyey dilka ayaa la sheegay in uu baxsaday waana tan ugu weyn ee sababta in wadayaasha mootada la yiraahdo majaajta dadka qaarna ay u yaqaanaan dhug dhugleey magaalada baladweyn ay banaanbax ka dhigeen.