Uncategorized

Wadayaasha Mooto Bajaajta oo Dowlada ka dalbaday in ay wax ka qabato dilalka loo geyso.

Muqdisho-KNN-Qaar ka mid ah Wadayaasha Gaadiidka Bajaajta ee magaalada Muqdisho ayaa dhigay Banaanbax looga soo hor-jeedo dil Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya xalay uu ugeestay mid ah Darawalada Mooto Bajaajta.

Banaanbaxa ayaa ka dhacay KM4 waxaana muddo hakad galay isku socodka Gaadiidka iyo dadka, Saraakiil ka tirsan Ciidamada amaanka Soomaaliya ayaa soo gaaray goobtii uu Banaanbaxa ka socday kuwaas oo ku guuleestay in ay markii dambe joojiyaan Banaanbaxa.

Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa xalay toogtay Wiil dhalinyar ah oo waday Mooto Bajaaaj xilli uu marayay Nawaaxiga Taleex ee magaalada Muqdisho.

Marxuumka dhintay ayaa u geeriyooday dhaawac soo gaaray kaas oo loo dhigay Isbitaalka Daaru-shifa ee magaalada Muqdisho .

Dilalka loo geesto wadayaasha Mooto Bajaajta ayaa waqtiyada qaar ka dhaca magaalada Muqdisho waxaana geesta Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.