Somali News

Waddooyinka Muqdisho oo maalintii 2aad xiran

Muqdisho-KNN-Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa xiran maalintii labaad waxaana lagu arkayaa Ciidamo Booliis ah oo gaadiidka u diidaya isticmaalka waddooyinka.

Magaalada ayaa sida caadiga aheydba waxay u kala go’antahay laba dhinac waxaana ay Ciidamada Gaadiidka u diidayaan in ay ka soo gudbaan waddada Wadnaha halka kuwa kale hadii ay gudbaan aysan ku soo laaban Karin.

Boqolaal ka mid ah dadka reer Muqdisho ayaa lagu geynaaya Wadooyinka Magaalada Muqdisho, maadaama aan la ogoleyn in wadooyinka ay maraan Gaadiidka dadweynaha.

Arintaan ayaa daba joogta weerarkii dadka badan ku dhamaadeyn oo ay Al-shabaab ku qaadeyn Hotelo ku yaala magaalada Muqdisho. Waa maalintii 2aad oo ay Ciidamada ammaanka xiraan wadooyinka Gobolka Banaadir.