Uncategorized

Waddooyinka Muqdisho oo xiran iyo laamaha amniga oo qoraal ka soo saaray

Muqdisho-KNN-Waxaa Saakay xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho dadka ayaa lugeynaya, iyadoona dhanka kale hey’addaha amniga dowladda Federaalka ay soo saareen xalay war saxaafadeed baaq ugu jeediyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, xilli maanta uu dhacayo kulanka Baarlamaanka.

Qoraalkaan ayaa waxaa ka muuqanayay calaamadaha Talisyada ciidamada Booliska, Xoogga dalka, Nabadsugida iyo Asluubta waxaana loogu baaqay Xildhibaanada inay gacan ku siiyaan sugida amniga iyo sarreynta Sharciga.

Arintaan ayaa timid ka dib markii uu kor u kacay khilaafka ka dhashay Mooshinkii ka dhanka ahaa Gudoomiye Jawaari, iyo isla markaana la arkay Xildhibaanada Golaha Shacabka qaarkood oo wata ciidamo fara badan, taas oo laamaha amniga ku dhalisay si amniga loo sugo in ay soo saaraan qoraalo arimahaasi looga had laayo.

Ciidamada ammaanka ayaa xiray waddooyin badan, iyadoo xalay fiidkii hore bilaabay xirida waddooyinka, shacabka Muqdisho ayaana cagtooda maalaya saakay.