Somali News

Wadooyin Muqdisho oo saakay Xiran.

Muqdisho-KNN-Waxaa Maanta xiran qaar ka mid ah  Wadooyinka  waa weyn ee  Magalada Muqdisho, waxaana wadooyinka  lagu arkayaa Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Gaadiidka dadweynaha ayaa Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ay u diidayaan inay maraan qaar ka mid ah Wadooyinka Magaalada Muqdisho.

Isgoosyada xiran ayaa waxaa ka mid ah, Banaadir,  Soobe, Taleex iyo qeybo ka mid ah Wadada Wadnaha.

Ujeedka Xiritaanka wadooyinka ah, xili maanta ku beegan tahay Sanad-guuradii 75aad ee Aas-Aaska ciidanka booliska Soomaaliya oo maanta ka dhaceysa Magaalada  Muqdisho.