Muqdisho-KNN-Xubno ka tirsan madaxda amniga dalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay kulan ay ku yeesheen madaxtooyada Soomaaliya waxay kaga hadleen amniga magaalada Muqdisho iyo sidii dib loogu furi lahaa wadooyinka Xiran.
Laamaha amaanka ayaa sheegay in Ciidamada sugaya Amniga magaalada Muqdisho ay ka hor tageen, qaraxyo iyo weeraro dagaalamayaasha Al-shabaab ay ka fulinayeen Caasimada.
Xubnahaan ka socday laamaha amaanka ee dalka iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa ugu dambeyn isla gartay in dib loo furo wadooyinka xiran ee magaalada.
Inta badan wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho ayaa xiran iyadoona shacabka ku nool magaalada ay cabasho xoogan ay ka muujiyeen xirnaashiyaha wadooyinka.


