Uncategorized

Wadooyinka muqdisho oo mar kale la xiray

Muqdisho-KNN-Dadka reer muqdisho ayaa mar kale saakay ku waabariistay Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la soo dhoobay wadooyinka gobalka Banaadir.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u ogolayn in lug xitaa lagu maro waxaana meel walba taagan Askari oo kaas oo dadka ku amraya in ay aagaas marin.

Meelaha aan lugta iyo Gaadiidka loo ogoleyn ayaa waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM4 ilaa madaxtooyada.

Sidoo kale wadada wadanaha iyo wadooyinka kale ee isku xira Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo badan kuwaas oo dadka gaadiidka u diidan.

Lama oga sababta ka dambeysa arintaan balse warar aan la hubin ayaa sheegaya in xarunta Xalane la isugu geynayo dhinacyada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya si khilaafka loo xaliyo.

La soco wixii ku soo kordha.