Somali News

Wadooyinka Muqdisho oo saakay maalintii labaad xiran

Muqdisho-KNN-Ciidamada amaanka ee Dowladda Soomaaliya ayaa maalinkii labaad waxaa ay xireen qaar ka mid ah wadooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa saakay lug ku maraya wadooyinka xiran, halka gaadiidka ay isticmaalayaan wadooyin qardi jeex ah.

Wadooyinka xiran ayaa waxaa ka mid ah Isgoosyada Ex-kontorool Afgooye, Banaadir, Soobe, iyo wadada ugu muhiimsan ee Waddada Maka Al-Mukarrama.

Sababta ay u xireen ciidamada ayaa waxaa ay tahay, xilli maanta lagu wado in baarlamaanka Labada gole ay kulan ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, kadib markii uu shalay booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.