Uncategorized

Wadooyinka Muqdisho oo saakay xirnay oo dib loo furay

Muqdisho-KNN-Waxaa dib loo furay wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho kadib markii Saakay dadka reer muqdisho ay mar kale ku waabariisteen Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la soo dhoobay wadooyinka magaalada mara.

Ciidamada ayaa meelaha qaar u ogolayn in lug xitaa lagu maro waxaana meel walba taagaa Askar kuwaas oo dadka ku amraya in ay dib u laabtaan.

Wadooyinka Saakay xirnaay oo aan lugta iyo Gaadiidka loo ogoleyn waxaa ka mid ah Wadada Maka Al-mukarama gaar ahaan KM4 ilaa madaxtooyada.

Xirnaasha wadooyinkaan ayaa lagu sheegay in wadada Maka Al-mukarama lagu qabanayay Tartanka Orodka gaaban ee (Mini Marathon).

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo qaban qaabiyay Tartankan oo lagu qabanayay wadada xiriirisa KM4 ilaa Daljirka Daahsoon.