Somali News

Wadooyinka soo gala madaxtooyada iyo degmooyinka u dhaw oo saakay xiran

Muqdisho-KNN-Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saakay xiray qaar ka mid ah wadooyinka muhiimka ah ee magaalda Muqdisho.

Wadooyinka ay saakay xiran oo aad ugu dhow madaxtooyada waxaa ka mid ah isgoyska Ceelgaabta, wadada Buundooyinka, isgoyska Dabka iyo wadada hor marta dekedda weyn ee Muqdisho.

Wadooyinkaan ayaa loo diidayaa isticmaalka gaadiidka, dadka ayaa lugeynaya iyaga oo is weydiinaya sababta saakay loo xiray wadooyinka qaar.

Ciidamo aad u qalabeysan ayaa lagu arkayaa wadooyinka iyo weliba gudaha madaxtooyada Soomaaliya, waxaana jira shaki badan oo laga muujinayo sababta maanta ciidamada loogu soo daadiyey wadooyinka.

Maanta waxaa lagu wadaa in xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay kulan isugu yimaadaan, kaas oo dad badan ay qabaan in la hor keeni karo qaraar mudo kororsi ah.

Sida ku cad war ka soo baxay guddoonka golaha shacabka waxaa kulanka maanta ajandihiisu uu yahay fayraska korona oo xilligan fara ba’an ku haya dalka Soomaaliya, in xildhibaannada ay u codeeyaan laba xubnood oo ka tirsan guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo sharciga qaxootiga qaranka oo loo codeeyo.

Kulankii uu baarlamaanku yeeshay Sabtidii ayaa buuq iyo fowdo ku soo dhamaaday kadib markii xubno ka tirsan baarlamaanka ay gudoonka ku eedeeyeen in ay wadaan qorshe lagu kordhinayo muddo xileedka hay’adaha dastuuriga.

Buuqaasi kadib guddoonka golaha shacabka ay 5-ta fadhi ee soo socota waxa uu ka ganaaxay 15 xildhibaan oo guddoonku ku eedeeyay inay fowdo ka kiciyeen kalfadhigii Sabtidii.


Sidoo kale Xildhibaanada laga joojiyey kulamada golaha oo warbaahinta la hadlay ayaa ku goodiyey in aysan jirin cid ka hor istaagi karta ka qeyb galka fadhiyada golaha.