Muqdisho-KNN-Inta badan saakay waxaa xiran wadooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya lasoo dhoobay oo dadku ay ku waabareysteen iyaga oo xiran, waxaana loodiidayaa gaadiidka dadweynaha.
Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in xalay illaa gelinkii dambe eeshalay ay Muqdisho ka socdeen abaabulka banaanbaxyo lagu taageerayo codsigii uu Madaxweyne Farmaajo shalay baarlamaanka uga dalbaday in Aqalka Sare uu metelaad ka helo gobolka Banaadir.
Goobo dhawr ah oo ku yaalla meelaha ugu muhiimsan ee caasimadda ayaa la sheegay in loo qorsheeyay in lagu qabto banaanbaxan maanta, si dadka isku soo baxaya aay taageero ugu muujiyaan codsigii Madaxweyne Farmaajo uu ka hor jeediyay baarlamaanka ee ahaa in gobolka Banaadir uu metelaad ku yeesho Aqalka Sare.
Sida ay wararku sheegayaan abaabulka banaanbaxaas waxaa ku howlan xubno ka kala socda maamulka gobolka Banaadir iyo Guddiga abaabulka wacyi-gelinta Qaranka ee loo yaqaano (xooggaga wadaniyiinta).
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa khudbadiisii shalay uu ka jeediyey furitaankii kalfadhiga 7-aad ee baarlamaankan 10-aad, waxa uu ku soo gaba-gabeeyay codsi uu u jeediyay labada Aqal ee baarlamaanka Soomaliya.
“Waxaan maanta labada Aqal ee baarlamaanka federaalka u jeedinayaa codsi Madaxweyne oo aan rajeynayo inaad iga aqbashaan, iguna sharaftaan, si aan u muujino tixgelinta iyo qadarinta aan u heyno caasimadda Muqdisho, oo aan wada jecelnahay, oo si gaar ah meel gooniya iiga taalla, oo aan ku dhashay, fadlan igu raaca inay metelaad ku yeelato Aqalka Sare” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.