Somali News

Wafdi ay horkacayso Wasaaradda Gargaarka Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Ceelberde.

Xudur-KNN-Wafdigaan oo isugu jiray Mas’uuliyiin ka soctay  Wasaaradda Gargaarka maareynta masiibooyinka  Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya iyo hay’adaha UN-ka oo dhowr xafiis ka kala socday, waxa ay booqdeen xarumaha Caafimaadka ee kaamamka ay ku noolyihiin Barakacayaasha  iyo Ceelasha magaalada oo biyahooda gabaabsi yihiin.

Inta ay ku gudajireen boogashada dadka ku jira kaamamka waxey warbixino ka dhegeysteen qaar ka mid ah Barakacayaasha kaamamka degan oo ka hadlay duruufaha ay ku nool yihiin.

kormeerkaan oo ay ugu kuurgalayeen xaalada dhabta ah ee degmada kadib wafdiga waxaa ay kulan la qaateen  Maamulka Degmada Ceelberde, Waxana ka dhegeysteen saamaynta ka dhalatay abaarta, xaalada Barakacayaasha iyo biyo yarida ka jirta Degmadaas, waxana si guud xaalada degmada wafdiga ula wadaagay guddoomiyaha degmada Ceelberde.

Xubniga wafdiga ee ka kala socday hay’adaha UN-ka ayaa dhankooda tilmaamay in ay kasoo jawaabi doonaan xaalada bina’aadamimo ee halkaa ku heysata dadkaasi barakacayaasha.