Somali News

Wafdi heer Caalami ah oo gaaray Kismaayo.

Kismaayo-KNN-Waxaa magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubbada Hoose gaaray maanta wafdi uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee dhowaan loosoo magacaabay Soomaaliya James Swan.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa wafdigaas kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaaha ee magaalada Kismaayo.

Wafdiga ayaa haatan Madaxtooyada Jubbaland kulan kula leh Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Madoobe.

Kulankaas ayaa la sheegay in looga wada hadlayo doorashada kusoo wajahan maamulka Jubbaland ee la rajeynayo bisha soo socota in ay ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Axmed Madoobe laga dalbaday in waqtiga loo asteeyay doorashada Jubbaland ay ku dhacdo, iyadoo xor iyo xalaal ah laguna kalsoonaan karo, sidoo kalana cadaadiska laga joojiyo Musharaxiinta iyo masuuliyiinta kale ee doonaya in ay ka qeybgalaan doorashada Jubbaland.