Somali News

Wafdi hor dhac u ah Madaxda Dowladda Dhexe oo gaaray Garoowe.

Garoowe-KNN-Waxaa Maagalada Garoowe ee Gobalka Nugaal gaaray wafdi hor  dhac u ah Madaxda ugu sareysa ee Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Wafdiga  tagay Garoowe ayaa waxaa ka mid ah Saraakiil ciidan, wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaaanka Soomaaliya.

Amaanka Magaalada Garoowe ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo baaraya gaadiidka isticmaala wadooyinka soo gala Madaxtooyada Magaalada Garoowe.

Magaalada Garoowe ayaa la filayaa in ay gaaraan Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, R/Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha Ka tirsan Madaxda Dowlad Gobaleedyada.

Madaxweynaha maamulka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maalmo ka hor waxaa uu iclaamiyay in shir uu ka furmi doono Magaalada Garoowe, kaasi oo u dhexeeya Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamulka Gobaleedyada ka jira dalka, iyadoona maanta lagu waday inuu shirkaasi uu qabsoomo, inkastoo uu  maanta baaqday shirkaasi.

Shirka u dhexeeya Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa maamul gobaleedyada ayaa la filayaa inuu qabsoomo Maalinta Sabtiga ee soo socda.