Uncategorized

Wafdi hor dhac u ah Madaxweyne Farmaajo oo Sacuudiga gaaray.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Arimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ka ambabaxay magaalada Muqdisho waxa uuna gaaray dalka Sacuudi Carabiye.

Wasiirka ayaa halkaasi u gaaray Laba ujeedo sida ay sheegayaan saraakiil ka tirsan Wasaaradda Arimaha dibadda Soomaaliya kuwaas oo kala ah inuu ka qayb galo shir wadamada Jaamacadda ay ku yeelanayaan magaalada Damaam ee Sacuudiga iyo sidoo kale inuu hordhac u noqdo safar uu madaxweynaha Soomaaliya lagu wado inuu ku gaaro dalkaasi.

Lama oga ajandaha shirka wadamada Jaamacadda carabta ee ka dhacaya Sacuudiga balse waxaa la sheegayaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu shirka kadib safar ku gaari doono Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hore dhowr jeer safari ku tagay dalka Sacuudiga waana dalkii ugu horeeyay uu madaxweynaha safar ku gaaro markii la doortay sanadkii 2017.