Somali News

Wafdi ka socda beesha caalamka oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta lagu wadaa in Magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafdi ka socda qaramada Midoobe, bankiga aduunka ee world bank iyo xubno kale.

Wafdigan ayaa la filayaa in marka ay soo gaaraan Magaalada  Muqdisho ay kulan la qaataan madaxda ugu sareysa ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Xubnahan ka socda beesha Caalamka ayaa madaxda dowladda Soomaaliya waxaa ay kala hadli doonaan abaaraha xiligan ka jira soomaaliya iyo sida wax loogu qaban lahaa arimahaasi.

Abaaro daran ayaa xiligan waxaa ay ka jiraan qaar ka mid ah gobalada dalka, taasi saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.