Beledweyne-KNN-Wafdi wasiirro ah oo ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta safar kooban ku tagay magaalada Beledweyne, waxaana ujeedadu ay ahayd sidii ay u kormeeri lahaayeen wabiga Shabeelle iyo sida rasmiga ah ee wax looga qaban karo.
Wafdiga waxaa kamid ahaa wasiirka qorsheeynta iyo xiriirka caalamiga ah Jamaal Maxamed Xasan, wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur, wasiir ku xigeenka gargaarka iyo maareeynta masiibooyinka Cabdishakuur Maxamuud Xasan.
Wasiirradaas ayaa kulamo laqaatay maamulka gobolka Hiiraan iyo qeybaha bulshada Beledweyne, waxaana ay kala hadleen sida wax looga qaban karo xaaladaha fatahaada iyo sidii xal-waara loogu heli lahaa fatahaada Beledweyne.
Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Xasan Canshuur oo hadlay ayaa yiri “Waxaa aan idinku nimid inaan idinla qeeybsano dareenka murugada ah ee fatahaadaha soo cusboonaaday iyo inaan ka tashano waxii laga qaban karo fatahaada, sidoo kale waxaan aan u inaamay inaan ogaano qaabka dadka looga samatabixin karo dhibaatada, waxaan rabnaa sanadkaan in aaysan dad nooga dhiman, baahina aan ladareemin, waxaan keeni doonaa gurmad xoogan. Waxaan idinka codsaneeynaa in laqaato talooyinka caafimaadka maadaama sanadkan uu jiro Fayriska Karoona”.
Halkan ka Dhageyso Warbixintan uu nooga diyaariyey Weriyaha Idaacadda Kulmiye ee magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
SAWIRRO