Somali News

Wafdi ka socda DFS oo dalka Itoobiya uga qayb galaya Shir muhiiim ah

Muqdisho-KNN-Wafdi ka socda dawladda Soomaaliya ayaa maalintii labaad waxa ay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, waxa ay uga qayb galayaan shir looga hadlayo arrimaha waxbarashada.

Wafdigan ayaa waxaa  horkacaya wasiiru dowlaha wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri .

Waxaana shirkan ka qeyb galaya wasaaradaha waxbarshada ilaa heer  Federaal iyo dowlad Gobaleedyada iyo Gobalka banaadir,waxaana waxaana xoogga lagu saarayaa shirkaasi Horumarinta waxbarashada Soomaaliya.

Cabdi raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya in uu kulamo gaar gaar ah la qaadan doono masuuliyiinta shikaasi kasoo qaybgalay.