Uncategorized

Wafdi ka socda Dowlada oo maanta ku wajahan Beladweyne

Muqdisho-KNN-Wafdi balaaran uu hogaaminaya Ra`iisul Wasaare ku xigeynka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta lagu wadaa in ay gaaraan magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiaraan oo ay ka taagan tahay Xaalad aad u liidata kadib fatahaadii Webiga Shabeelle.

Shalay ayaa shir deg deg ahaa oo ka dhacay magaalada Muqdisho lagu soo magacaabay guddigaan maanta ku wajahan magaalada Beladweyne, kuwaas oo loo xilsaaray sidii ay dadkaas barakacay u gaarsiin lahaayeen gargaarka ay dowlada ugu tala gashay dadkaas barakacay.

Dhibaatada ka taagan magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa faraha ka sii baxeysa, kadib markii ay Xaafadaha magaalada buux dhaafiyeen Biyaha Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee mara Beladweyne.

Kumanaan shacab ah ayaa magaalada ka barakacay waxayna daadsan yihiin duleedka magaalada gaar ahaan dhulka Buuraha ah, dadkaas ayaa isugu jira Carruur, Dumar iyo waayeelo oo ay wali ku dhaceyso dhibacda roobka iyo qabowga oo aad looga dareemayo gobalka.

Warbaahinta gobalka ayaa soo bandhigaya muuqaalo laga naxo oo ay ku jiraan Guryo ay biyaha ka dulmareen hanti baa ba’day iyo dad dhibaataysan.