Somali News

Wafdi ka socda dowlada Qadar oo gaaray magaalada Hobyo

Hobyo-KNN-Wafdi balaaran oo ka socdo dowlada Qadar ayaa maanta gaaray magaalada Hobyo ee gobolka Mudug, waxaana Safarkaas ku wehlinayay Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo xubno kale oo ka socday labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa markii ay gaareen magaalada Hobyo waxa ay booqdeen halkii uu asteeyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ee Dekada magaalada Hobyo.

Waxaana sidoo kale la filayaa in ay booqdaan xarumo kale oo ku yaala magaaladaasi inta ay joogaan magaalada.