Uncategorized

Wafdi ka socda Dowlada Soomaaliya oo maanta ka qeyb galaya Ciyaarta ka dhacaysa dalka Burundi

Muqdisho-KNN-Waxaan maanta la filayaa in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ay ka ambabaxaan masuuliyiin ka tirsan dowlada federaalka Soomaaliya, si ay ugu qeyb galaan Ciyaarta ka dhacaysa Dalka Burundi ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Tanzania.

Wafuudaasi Waxaa horkacaya R/Wasaare ku xigeenka Dalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, iyagoona dalka Tanzania u tagaya sidii loo dhiiri gelin lahaa Xulka da’yarta Soomaaliyeed ee ka yar 17 sano jiraka oo guul weyn u soo hooyay maantana Ciyaaraya kama dambeysa ciyaaraha Bariga iyo Bartamaha Afrika oo sanadkaan ay marti gilisay dalka Burundi.

Cayaarta kama dambaysta ah ayey ciyaartoyda da`a yarta ee Soomaalilyeed maanta la ciyaari  doontaa da`a yarta dalka Tanzania oo iyadana 2-1 uga soo badisay Kenya.

Ciyaartaan oo maanta ka dhaceysa garoonka Ngozi Stadium ee dalka Burundi, una dhaxeysa Soomaaliya iyo Tanzani ayaa ciyaartaas waxaa goob joog ka ah Guddoomihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, iyo xubno kale oo u sacaba tumi doono Da`ayarteena Soomaaliyeed ee gaaray heer ay ku soo jiiteen indhaha dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkaba.

Wixii ku soo kordha la soco inshaa Allaah.