Garoowe-KNN-Gudoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya Mahad Cabdalle Cawad, iyo gudoomiyayaasha Maamul goboleedyada Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee Gobalka Nugaal.
Ujeedka socdaalka madaxdan ayaa waxaa ay qeyb ka tahay in ay Garoowe ugu qeybgalaan shirka golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo heer dowlad goboleed oo Isniinta berri ah ka furmaya magaalada Garoowe.
Shirkaan oo ah mid sannadkiiba mar la qabto ayay ku kulmaan golayaasha xeer-dejinta heer Federaal iyo kuwa Maamul goboleed gaar ahaanna guddoonnada golayaashaasi oo kaga tashada arrimaha ku saabsan shuruucda dalka.