Somali News

Wafdi ka socda Dowladda Federaalka oo ku wajahan Kismaayo.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda gaadiidka dhulka iyo cirka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar ayaa lagu wadaa in uu maanta gaaro magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland.

Wasiir Oomaar ayaa loo maleynayaa in uu ka mid yahay musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulka Jubbaland inkastoo uusan wali si rasmi ah ugu dhawaaqin.

Wax faahfaahin ah lagama bixin safarka Wasiirka duulistu uu maanta ku tagayo magaalada Kismaayo waxaana sidoo kale maanta lafilayaa in musharaxiin iyo mas’uuliyiin kale ay gaaraan magaalada Kismaayo oo amaankeeda aad loo adkeeyey.

Safarka Wasiir Oomaar ku tagayo Kismaayo ayaa ku soo aadaya, iyadoo Khamiistii la soo dhaafay go’aan ay soo saareen Golaha Wasiirrada Jubbaland lagu sheegay in Jubbaland ay xiriirka wada shaqeyneed u jartay xukuumadda federaalka.