Somali News

Wafdi ka socda dowladda Kenya oo maanta ku soo wajahan Muqdisho

Muqdisho-KNN-Waxaa maanta lagu wadaa in wafdi ka socda dowladda Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, si looga wadahadlo khilaafka labada dal.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu socdo dadaallo uu wado urur goboleedka IGAD, kuwaas oo ku aadan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya oo ah laba dal oo ururka ka wada tirsan.

Waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Muqdisho ka bilaawdaan wadahadallo ay garwadeen ka tahay IGAD oo lagu dhameynayo xiisadda diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud oo kamid ahaa wafdigii Madaxweyne Farmaajo ee Jabuuti uga qeyb galay shirkii u dambeeyey ee madaxda IGAD ayaa 21-kii December sheegay in IGAD ay cadaadis xoog leh ku saareyso Soomaaliya inay xaliso xiisadda kala dhaxeysa Kenya.

Sidoo kale waxaa shirkaas laga iclaamiyey in wafdi xaqiiqo raadin ah loo diro xaduuda labada dal, tallaabadaas oo ay dalbatay dowladda Soomaaliya, si loo baaro jabhado ay sheegtay in Kenya ay ka abaabuleyso aagga Mandheera.