Uncategorized

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray degmada Belad-xaawo ee Gobalka Gedo.

Belad-Xaawo-KNN-Wasiirka Arrimaha Gudaha  Soomaaliya Cabdi Faarax Saciid “Juxa”  iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta Gaaray Magaalada Belad-Xaawo  ee Gobolka Gedo, oo mudooyinkaan ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Ciidamada Kenya iyo shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Xadka Labada Dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ay wehlinayaan Xildhibaano ka tirsan labada Gole  Ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland ayaa indha in dheyn Ku sameeyay halka Kenya ay dhismaha ka biloowday Waxaana ay dib ugu soo laabteen Degmada dooloow ee isla Gobolkaasi Gedo Oo Caawa ay Ku hoyanayaan.
Xildhibaan Xuseen Carab Ciise Guddoomiyaha Guddiga difaaca Golaha shacabka oo wafdigaasi  qeyb ka ah ayaa idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho u sheegay in ay arkeen halka siliga lagu wareejiyay  balse ay warbixin ka sugayaan  guddiga Xudduudaha iyo qubaro kale oo la  socdo taas oo la  filaayo in saacadaha Soo Aadan la  diyaariyo ayna soo saaraan qoraalkooda.
21-kii December sanadkii ee 2017 shacabka Ku nool degmada Belad-Xaawo ee Gobolka Gedo iyo deegaano  udhow waxaa ay sameeyeen dibad  bax ay uga soo horjeedeen dhul ballaarsi ay sheegeen in Kenya ay wado.