Sports

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galaya Daawashada Ciyaarta Finalka ee Soomaliya iyo Tanzania.

Muqdisho-KNN-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17ka sano ayaa  ciyaaraya saacado yar kadib cayaarta kama dambaysta ah ee koobka CECAFA U17 ee ka socday xagaagan dalka Burundi,.

Xulka Soomaaliya ayaa halkaan kusoo gaaray ka dib markii ay 1-0 kaga badiyeen xulka Uganda oo ay  tartankani wada ciyaareen goolka ay guushu ku raacday waxaa u dhaliyey daqiiqaddii 70aad ee qaybtii labaad ee cayaarta Farxaan Maxamed Axmed oo qaata lambarka 11aad xulka da’yarta, cayaar ka dhacday magaalada Gitega ee dalka Burundi.

Cayaarta kama dambaysta ah ayey ciyaartoyda da`a yarta ee Soomaalilyeed saacado kadib la ciyaari doontaa da`a yarta dalka Tanzania oo iyadana 2-1 uga soo badisay Kenya Sami finalaha Tartankan.

Ciyaartaan oo saacado kadib ka dhaceysa garoonka Ngozi Stadium ee dalka Burundi, una dhaxeysa Soomaaliya iyo Tanzani ayaa ciyaartaas waxaa goob joog ka ah kana qayb galaya wafdi uu hogaaminayo raisul wasaare ku xigeenka xukuumada somaliya Mahdi Maxamed Guleed.

Sidoo kale waxaa ka qayb gali doono Guddoomihii hore ee gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, iyo xubno kale oo u sacaba tumi doono Da`ayarteena Soomaaliyeed ee gaaray heer ay ku soo jiiteen indhaha dadka Soomaaliyeed iyo Caalamkaba.

Waa guushii ugu horraysay ee nooceeda ah ee uu gaaro xul qaran soomaaliyeed muddadii ay Soomaaliya burburka ku jirtay.

Qalinkii Aadam Aqyaar