Somali News

Wafdi ka socda DS oo ka qeybgalay shir looga hadleyey Tiknoolajiyada oo lagu soo gabagabeeyey dalka Ghana

Muqdisho-KNN-Wasiiru-dawlaha wasaarada Boostada, Isgaarsiinta, & Teknolojiyada, C/laahi Bile Nuur, ayaa ka qeyb galayay shirka heer wasiir islamarkaasin ah Hal-abuurka Teknolojiyada ee Afrika ee looga hadlaye,islamarkaasina lagu sii afmeerya caasimadda dalka Ghana ee Accra.

Soomaaliya ayaa ka qeybgalayaashii shirkaasi u sheegtay in loo baahan yahay in wadanka laga taageero helitaanka internetka iyo horumarinta xirfadaha teknolojiyada.

Wasiirka ayaa sidoo kale shirkaasi ku soo bandhigay qodobo u muhiim ah howlaha hormarinta Tkinoolajiyada Soomaaliya.Waxaana dhowaan Golaha Wasiirradu uu ansixiyay Siyaasadda Qaran ee Isgaarsiinta & Teknolojiyada, taas oo ahmiyad gaar ah lagu siiyay sidii teknolojiyada loogu isticmaali lahaa waxbarashada iyo adeegyada kale ee loo adeegsado teknolojiyada.

Wasiiru-dawlaha iyo wafdiga uu hoggaaminayo ayaa intii ay joogeen shirka waxay sidoo kale la kulmeen wasiirro, hay’ado iyo shirkado ka shaqeeya horumarinta aqoonta teknolojiyada iyo hal-abuurka si la isku weydaarsado waaya-aragnimada iyo teknolojiyadda loo adeegsado kobcinta aqoonta teknolojiyada.