Somali News

Wafdi ka socda guddiga doorashooyinka oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedaraal (FIET) Mudane Maxamed Xasan Ciro Iyo Xubno kale ayaa Soo gaarey Magaalada Baydhabo ee Xaruunta Gobolka Baay ,

Garoonka Diyaaradaha Shaati gaduud Waxaa kusoodhaweyey Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Yuusuf Cabdulkadir, iyo Xuno ka tirsan Guddiga .

Intaasi ka Dib Madaxda ayaa Qeybta VIP ee Garoonka isku Xogwareystey Meesha ay Mareyso Howsha Qaban qaabada Qabashada Doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka .

Guddiga Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur Galbeed Soomaaliya( SEIT) Mudane Yusuf Cabdulkadir Ayaa Gudoomiyaha iyo Wafdigiisa kusoodhaweeyey Baydhabo.

Gudoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Fedaraal (FIET)Mudane Maxamed Xasan Ciro ayaa Sheegey in ujeedada Magaalada Baydhabo usoo gaarey ay tahay Wadatashi , iyo Sidii Dhi-dhibada loogu Aasi laha Hanaankii Doorashada Golaha Shacabka ay si Rami ah ugu Bilaaban Laheed,

Sido kale Gudoomiye Ciro ayaa Sheegey In Dhawaan qalabka Doorashada lagu qaban Lahaa ay gaarsiin doonan Goobaha Doorashooyinka ay ka qabsoomeyaan.