Uncategorized

Wafdi ka socda Guddiga Gurmadka ee fatahaadaha oo maanta ku wajahan Beladwey iyo Baardheere

Muqdisho-KNN-Wafdi ka socda Guddiga gurmada Qaran ee fatahaadaha Wabiyada ayaa maanta ku wajahan magaalooyinka Baar-dheere oo ka tirsan gobolka Gedo iyo magaalada Beladweyne oo ah xarunta gobolka Hiiraan.

Wabiyada Jubba iyo Shabeele oo ah labada Wabi ee marta gobolada dalka ayaa sanadkaan sameeyay fatahaado saameyn xoogan ku reebay kumanaan ruux oo ku noolaa gobolada Wabiyada ay maraan.

Xubnahaan ka socda Guddiga gurmadka ee ku wajahan magaalada Baardheere ayaa soo indha indheyn doono saameynta dhabta ee ka dhalatay fatahaada Wabiga Jubba ee gobolka Gedo.

Sidoo kale xubnaha kale ee ku wajahan magaalada Beladweyne ayaa gurmad gaarsiin doono dadkii ka barakacay magaalada Beladweyne kuna dhibaateysan hareeraha magaalada, iyadoo xaaladooda ay ka sii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Guddigaan ayaa shalay sheegay in sii korortay macluusha iyo dhibaatada ee ay wajahayaan dadka ka barakacay fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeele.