Somali News

Wafdi ka socda Jarmalka oo maanta gaaray Baydhabo

Baydhabo-KNN-Wafdi ka socda dowladda Jarmalka ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka bay’halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiinta dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed(Laftagareen) ayaa Xafiiskisa ku Qaabilay Wafdigaasi oo ka socday safaaradda Jarmalka ee Soomaaliya,iyagoo ka wada hadlay arrimo dhowr ah.

Wafdigaasi waxaa hoggaminaysay danjiraah dowladda Jarmalka ee Soomaaliya Annett Günther iyo ku Xigeenkiisa Markus ,kuwaasi oo haatan kulamo la leh madaxda dowlada goboleedka Koonfur Galbeed.