Somali News

Wafdi ka socda Q.M iyo Koofur Galbeed oo tagay Xudur

Wafdi isugu jiray wasiirro ka socda dowlad goboleedka koofur galbeed soomaaliya iyo hay’adaha UN ka ee ka shaqeeya  bani’aadanimada ,ayaa magaalada Xudur kula kulmay madaxda degmooyinka ee gobolka Bakool

Wafdigaan oo uu horkacaayey wasiirka gargaarka maareynta masiibooyinka dowlad goboleedka koonfur galbeed Cabdinaasir Cali Caruush, waxaa boogashadooda ay la xiriirtay sidii loo   xaqiijin lahaa xaaladda dhabta ah ee ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo waxyaabaha aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin in deg deg loogu gurmado.

Wafdiga waxa ay kulan la qaateen maamulada degmooyinka Xuddur, Tiyeeglow, Rabdhuure iyo kan gobolka Bakool waxana si qotodheer looga hadlay xaaladaha amni iyo midda bani’aadanimo ee ka jirta gobolka.

Booashadaan ayaa  qayb ka ah dadaalada dowlad goboleedka koonfur galbeed ay ku doonayso in gargaar bani’aadanimo lagu gaarsiiyo dadka deegaanadooda laga soo barakiciyey iyo danyarta ku nool gobolkaasi.