Somali News

Wafdi ka socda QM oo maanta ku wajahan Dhuusamareeb

Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug ay gaaraan Wafdi uu hogaaminayo Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan.

Wafdigaan ayaa la filayaa marka uu gaaro magaalada Dhuusamarewn  ayaa in ay Kulan la qaataan madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug waxa ayna ka wada hadli doonaan  Arrimaha Doorashooyinka.

Wakiilka Gaarka ah ee Xoghaya guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya James Swan ayaa tan iyo markii heahiis laga gaaray arrimaha doorashooyinka waxa uu kulamo kala duwan la qaadanaayey madaxda Soomaalida ah ee qeybta ka ahaa heshiiska doorashada iyadoo uu hore kulamo ula soo qaatay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbland kuwaas oo ay kasoo wada hadleen arrimaha doorashada dalka.