Uncategorized

Wafdi ka socda wasaaradda Dastuurka Soomaaliya oo Baydhabo gaarey

Baydhabo-KNN-Wefdi Uu Hoggaaminayo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Arrimha Dastuurka Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Gaarey Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay, halkaasi oo siweyn loogu soo dhaweeyey.

Wefdigan Oo Iskugu Jiray Xubnaha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Soomaaliya Iyo Kan Guddiga Madax Bannaan ee arrimaha Dastuurka Waxaa Horkacayay Dr Xuseen Cabdi Cilmi Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Arimaha Dastuurka Dowlada Federaalka Soomaaliya.

Waxaa Garoonka Diyaaradaha magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyey Ku Soo Dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Abdullahi Sheekh Xassan iyo xubno  Kamid Ah Guddiga Arimaha Dastuurka Barlamaanka Koonfur Galbeed.

Wefdigan ayaa Mudada ay ku sugan yihiin Baydhabo Waxey Kulamo la qaadan Doonaan Ururada Bulshada Ra’idka ah ee ku nool deegaanada koonfur galbeed Si Loo Wadago Xog uruurinta ku aadab dib u eegista Dastuurka..

Abdullahi Sheekh Xasan Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Koonfur Galbeed ayaa maalamihii Ugu Dambeyey dadaal dheeraad ah ugu jiray sidii Koonfur Galbeed qeybteedda  ugu qaadan lahayd dib u eegista dastuurka Qabyo qoraalka ah ee Soomaaliya.