Uncategorized

Wafdi ka socda Xukumadda Soomaaliya oo Shir uga qeyb galaya Dalka China.

Muqdisho-KNN-Cabdullaahi Xaamud Wasiiru-dowlaha xafiiska ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa magaalada Orso ee dalka Shiinaha uga qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen madax ka socotay 120 dal  oo looga hadlaayo la dagaalanka nabaad-guurka dunida.

Wasiirka iyo Wafdi uu hogaaminayo oo ka baxay magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka China gaar ahaan Magaalada Orso oo ah goobta uu kulanka ka socdo.

Kulankaasi oo ah kii 13aad,waxaa kaloo  ka qeybgalay in ka badasn 30-hey’adood ,iyadoo 2-dii sanoba mar Qaramada  Midoobay ay diyaariso kulankaasi.

,Kulankaan oo socon doona  ilaa 16-ka bishaan waxaa looga doodi doonaa sida ugu haboon ee wax looga qaban karo nabaad-guurka ku yimaada dhulka.