Somali News

Wafdi ka socday Midawga Yurub oo gaaray dalka Liibya.

Muqdisho-KNN-Wafdi heer sare ah oo ka socday Ururka Midawga Yurub ayaa gaaray wadanka Liibiya iyaga oo ku socda sidii wax looga xakameeyn lahaa Muhaajiriinta afrika ka yimaada ee soo mara dalka Liibiya, oo ah  marinka ugu weyn ee muhaajiriintu kasoo galaan Qaaradda Yurub.

Wafdigan ayaa waxaa hogaamineeysay Federica Mogherini oo ah Madax Siyaasadda Arimaha dibadda ee Ururka Midawga Yurub, waxa ayna Dowladda Wadankaasi iyo waliba Kooxaha kasoo horjeeda kala hadli doonaan sidii loo yareeyn lahaa Qaxootiga Libya kasoo safra.

Dalka Libya ayaa waxaa kordhay qaxootiga kasoo gudbaya wixii ka danbeeyay Sanadkii 2011-kii xilligaa oo la dilay Madaxweeynihii hore ee dalkaasi Mucamar Al-qadaafi.