Somali News

Wafdi ka socday Midowga Yurub oo laga hor istaagay safar ay ku tagi lahaayen Kismaayo.

Muqdisho-KNN-Wafdi ballaaran oo midowga yurub ka tirsan islamarkaana xubnaha qaar ay ka yimaadeen magaalada Nairobi ayaa la sheegay in laga hor istaagay safar ay ku tagi lahaayeen magaalada Kismaayo ee gobalka jubbada hoose.

Wafdigan ayaa la sheegay inay doonayeen in kismaayo ay kula soo kulmaan madaxweynaha jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe balse lagu sheegay in dowladda ay is hor istaag ku sameysay safarkooda.

Saraakiil ka tirsan midowga yurub ayaa xaqiijiyay in wafdigooda oo ku wajahnaa magaalada kismaayo ee gobalka jubbada hoose si ay ula soo kulmaan Axmed Madoobe loo diiiday balse ma aysan shaacin sababta arrintaasi ka dambeysa.

Ilaa iyo hada ma jirto saraakiil ka tirsan dowladda soomaaliya oo ka hadlay dhacdadan.

Balse waxaa xusid mudan in arrintan ay imaaneyso xili dowladda soomaaliya ay eriday wakiilkii qaramada midoobay ee soomaaliya u qaabilsanaa Nicklos Hayson sidoo kalane lagu sheegay in dacwad ay ka gudbisay wasiirka difaacaa UK ee booqasho dhowaan ku tagay magaalaada Harsgeysa ee gobalka waqooyi barri isagoona kulan la soo qaatay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.