Hargeyso-KNN-Wafdi ay hor kacayaan Madax ka tirsan Ismaamul Gobaleed Qowmiyadda Oromada Itaabiya ayaa maanta ku wajahan magaalada Hargeysa ee xarunta Maamul Gobaleedka Soomaali-land sida ay maanta daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta Soomaali-land.
Sidoo kale wafdiga ay hor kacayaan Madax ka tirsan Ismaamul Gobaleedka Qowmiyadda Oromada ayaa waxaa ka mid ah Odayaal dhaqan oo ay leeyihiin Qowmiyada Oromada waxaana dhaqankaas ka mid ah Suldaanka Guud ee Qowmiyadda Oromada Itoobiya.
Ujeedka socdaalka wafdigaan ayaa lagu sheegay in ay salka ku heyso xal u helidda xiisadii ka dhalatay Dagaalka u dhaxeeyo Soomaalida ku nool Itoobiya iyo Qowmiyadda Oromada taas oo ay dad badan ku dhinteyn halka kuwe kalane ilaa hada lagu la’yahay magaalooyin ka mid Dalka Itoobiya.
Socdaalka wafdigaan ka tirsan Ismaamulka Qowmiyadda Itoobiya ayaa ku soo beegmayo iyadoo dhawaan mid ka ah Ciidamada amaanka Maamulka Soomaali-land uu toogasho ku dilay 2 qof oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada taas oo Cabsi ku abuurtay Oromada ku noola Soomaali-land.


