Uncategorized

Wafdi ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo kormeer ku tagay goobaha la dejiyay Xujeyda Soomaalida.

Riyaadh-KNN-Dr Iimaan Cabdulaahi Cumar Wasiirka Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya oo ay Wehliyaan Faadumo Xasan Aadan Gudoomiye kuxigeenka Gudiga Cadaaladda  iyo  Arimaha Diinta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Diinta & Awqaafta ahna Madaxa Xujeyda Soomaaliyeed u qaabilsan Wasaaardda Arimaha diinta Cumar Faaruuq Sheekh Cabdi Casiis ayaa Kormeeray goobaha la dejiyey Xujeyda Soomaaliyeed ee Sanadkan Gudaneysa waajibaadka Xajka.

Socdaalka Wasiirka ayaa ka bilaawaday Daarta Cuteyba oo ka mid ah Meelaha la dajiyey Xujeyda iyadoo Warbaahinta loo soo bandhigay muuqaalka meelo wanaagsan inkastoo ay jirtay Cabasho badan oo ka imaaneysay Xujeyda Soomaalida.

Wasiirka ayaa warbixino ka dhageestay Xujeyda ku sugan Sacuudiga ee Cabashada ka muujiyay in aan la siinin tixgilintii ay Mudnaayeen waxa uuna balan qaaday in uu kala hadli doono Dowladda Sacaduugiga iyo Shirkadaha Duulimaadka Soomaalida.

Idaacadda kulmiye ayaa Bilaawgii bishaan warbixin ka sameysay Qiimaha lacagta xejka lagu aado xejka oo aad u badan markii loo eego wadamada kale ee Soomaaliya dariska la ah iyo Kuwa kale ee Caalamka iyo sidoo kale Tixgilin la’aan ay la kulmeen Xujeyda Soomaalida markii ay tageen Xejka warbixintaas oo Xujeyda ku dhiira gilisay in ay ka hadlaan dhibkooda.