Uncategorized

Wafdi ka tirsan Galmudug oo gaaray deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud.

Xeraale-KNN-Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka wasaarada Arimaha diinta iyo Awqaafta ee Maamulka Galmudug Mursal C/raxmaan ayaa gaaray deegaanka Xeraale ee gobalka Galgaduud halkaas oo ay mudo badan ku dagaalameen Ciidamo deegaanka ah iyo Ururka Ahlsunna.

Mas’uuliyiinta ayaa la kulmay qaar kamid ah waxgaradka deegaanka, iyagoo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaaladii ka dhacay deegaanka islamarkaana ku baaqay in shacabka ay dib ugu soo laabtaan guryahooda, dhinacyadii dagaalamayna ay nabadda qaataan.

Wasiirka Arrimaha diinta iyo Awqaafta Galmudug oo kamid ahaa xubnaha wafdigaasi uu ka kooban yahay ayaa ka hadlay ujeedka socdaalkooda waxayna sheegeen in ay halkaasi u tageen Nabad raadin iyo in ay soo kormeeraan xaaladda dadka iyo deegaanka.

Ahlsunna ayaa dagaal looga saaray deegaankaasi waxaana hada si buuxda u maamulaya Ciidamo deegaan ah kuwaas oo xariir dhaw la leh Maamulka Galmudug ee Bartamaha Soomaaliya.