Muqdisho-KNN-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Eritrea Cismaan Saalix iyo La-taliyaha Madaxweynaha dalkaas Yemane Gabreab ayaa goor dhaw soo gaaray magaalada Muqdisho.
Wafdiga ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.
Masuuliyiintaan ka socotay dalka Eritrea ayaa maanta lafilayaa in ay wada hadallo kula yeelan doonaan Villa Soomaaliya Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.