Somali News

Wafdi Muqdisho uga baxay ka qeyb galka Aaska Abwaan Singub.

Muqdisho-KNN-Waxaa Magaalada Muqdisho ka ambabaxay Wasiiro , xildhibaano iyo abwaano, waxaa ayna ku sii wajahan yihiin dalka Itoobiya si ay uga qeybgalaan Aaska Alle ha u naxariistee Abwaan Maxamuud Cabdulahi Ciise Singub  oo maalin kahor halkaasi ku geeriyooday.

Wafdigan Muqdisho ka baxay waxaa horkacaya wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdulahi Salad Oomaar , waxaana sidoo kale qeyb ka ah Abwaan Ciyaar Jecel oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka,  Abwan Cusmaan Cabdulahi Guure iyo xubno kale.

Waxaana lagu wadaa in ay Aaska Alle ha u naxriistee Abwaan Singub kaga qeyb galaan Magaalada Jigjiga.

Abwaanka oo ku geeriyoday Magaalada Addis Abaab ayaa laga soo qaadi doona meydkiisa , berito oo jimco ah ayaana lagu wadaa in aas loogu sameeyo Magaalada Jigjiga.

Madaxda dowad deegaanka Soomalaida ee Itobiya , xubnaha Muqdisho ka baxay iyo dadyow kale oo aaska awgii Jigjiga u tagay ayaa ka qeyb gali dona.

Wuxuu Abwaan Singub ahaa mid kaalin weyn oo muuqaraty kulahaa Fanka Soomaaliya.